CAYMO ayey u baahan tahay PUNTLAND (Qaybtii Labaad)

0

Halkan ka aqri Qeybta 1-aad

Maxay Puntland eersatay oo ku seegtay dawrkii sharfanaa oo ku-dayashada lahaa oo ay Soomaali ku dhex lahayd? Siyaasadda Soomaaliyeed oo ay calan-sidaha u ahayd, waxaa baddalay in lagu bakhti-jiito san-dareerto yar oo ku dhammaatay jeebka xisaab shakhsiyeed. Taasi waxay sababsatay markii hoggaankeedii siyaasadeed iyo baarlamaankeedii inta la gorgoriyey la ogaadey in riqiis lagu xiriirsan karo.

Warar la hubiyey weeye in gorgortankaas iyo natiijadiisu ay leeyihiin caddaymo diiwaan-gashan sida ay ka dhawaaqeen xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland. Haddaba waa imisa dhaqaalaha Madaxweyne Gaas laga siistay xiriirsamidda Puntland? Lama hayo tir-koobkeeda, waxaase la hubaan dhaqaalaha lagu kasbay hoggaansashada Puntland oo kaga soo aadday hanti-boobkii lagu hayey dhaqaalihii beesha caalamku ugu deeqday labaddii sano ee u danbaysay 2015 iyo 2016. Hantidaasi kuma xeroon bangiga dhexe ee Puntland ee waxay ku dhammaatay jeebka Gaas.

Sannadka Dhaqaalaha
2015 3,250,000
2016 4,500,000
Wadar 7,750,000

Aniga oo ku hadlaya xog-ogaalnimo, maaddaamaa aan ka tirsanaa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaankii 9aad ee dawladda federaalka ah, waxaan hubaan in hantidaas aan Puntland looga faa’iidayn. Waxaan ayaan-darro kale noqotay in baarlamaanka Puntland uusan dabo-gal ku samayn halka ay lacagtaasi martay, la-xisaabtan dawladda Gaas madaxda ka yahayna uusan si dhab ah isugu soo qaadin.

Intaas waa inta laga og yahay musuq baahsan oo Puntland dhaxalsiiyey inay shaqaalaheedii iyo hayadihii ammaanku ay ku mushaar waayaan. Waxaa su’aal aan jawaab loo hayn noqotay, sababta uu madaxweynaha Puntland dhoof ugu marmarsoodo markii ay Puntland ay soo wajahdo musiibo sida colaadda, dagaalka noocyada badan. Waxaa la arki jirey madaxweyne booqasho ku maqan oo markii dalkiisa ay la soo gudboonaato xaalad adag soo gabgabeeya safarkiisa oo degdeg ugu soo laabta dalkii u xukumey. Madaxweynaha Gaas waxaa looga bartay inuu ka cararo dalkii uu hoggaanka u ahaa markii ay halis la soo gudboonaato, dhaqaale badanna ku dhumiyo dhoof aan faa’iido badan laga keenin.

Taasi waxay soo foolyeelisey in Puntland ay hawaystaan ururro xag-jir ah oo nabadgeliyadeeda khalkhal geliya. Waxay Puntland halis ugu jirtaa inay soo wajahdo xambusid siyaasadeed iyo mid hoggaamineed, taas oo jid u sii fali karta labo arrimood oo halis ah:

  1. In Puntiland ay gacanta ku dhigaan xoogag shareed oo huwan ah oo ka kooban kooxda Damjadid iyo Ururrda ay jaalka yihiin ee Al-Shabab. Taasi waxay Puntland dhaxalsiinaysaa qaska Muqdishu yaalla wax ka bawsato
  2. In dadka reer Puntland la buqdo kacdoon shacab, kaasoo ku barriiqan kara dareenka qabyaaladeed oo Soomaali oo dhan rogey.

Waa labo arrimood oo Puntland halis ugu jirto oo jiritaankeeda sigi doona. Si loo baajiyo halistaas, waxaa lama huraan ah in jilib-culusta, aqoonyahanka iyo hoggaan dhaqameedka Puntland ay dawrkooda qaataan, baarlamaankii ay doorteenna u maraan inay Puntland caymiyaan oo hoggaan siyaasadeed oo waafi ah ku baddalaan hoggaan-xumada hadda haysata.

Waxaan hubaal ah in dadka reer Puntland, dal-joog iyo debed-joogba, ay ka siman yihiin dareenka aan halkaan ku soo gudbinayo, shirarkeeda iyo aqoon-isweydaarsigeeduna uu ka socdo meelo badan oo dlka gudihiisa iyo debeddiisaba ah. Kulligood waxay wadaagaan laxawga ka haya marxaladda ay Puntland ku sugan tahay.

W/Q: Xildhibaan hore, Cabdi Barre Yuusuf Jibriil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

SHARE