CC oo si adag uga hadlay Colaada ka dhextaagan Galmudug iyo Puntland

Kismaayo (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in Colaadaasi ay ka dhalatay dhibaatooyin farabadan waxa uuna ku dhawaaqay in iminka laga heshiiyay Colaadaasi.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay inuu aad uga xun yahay mudadii koobneyd oo ay soctay Colaada, waxa uuna carabka ku adkeeyay in laga gudbay Colaadaasi, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlaayay warbaahinta.

”Hogaamiyayaasha labada maamul waxa ay ka gudbeen colaadii taagneyd waxa ayna u gudbeen wadashaqeyn iyo Horumar”

Waxaa uu xusay in xal la taaban karo laga gaaray dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo, guushaasina uu uga mahadcelinaayo Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale, Sharmaarke ayaa labada Hogaamiye ugu baaqay in ay dhaqan geliyaan heshiisyadii ay gaareen .

Maalinimadii shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir gaara oo u dhexeeyay Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland kaa oo lagu kala saxiixday Heshiis dhigaaya xabad joojin iyo in dib loo furo waddooyinka labada dhinac ee ku xirmay Colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com