CC Shakuur oo shaaciyey sababtii uu ku diiday inuu ku biiro Madasha Xisbiyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame oo u warramayey TV-ga Universal ayaa ka hadlay sababtii uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waayey Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sabata ku sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan hoggaan, kaliyana ay sameysato xiriiriye, balse ay hadda yeelatay hoggaamiye, taasina ay ku diideen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madasha ay kala mideysan yihiin in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu qbato waqtiga oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

“Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa.”ayuu yiri CCC Shakuur.

Ugu dambeyn wuxuu aad u cambaareeyey xayiraadii la’isku dayey in dhowaan lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay ilaaliso, islamarkaana ay dhowrto Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bishan Muqdisho looga dhawaaqay Madal cusub oo ay ku mideysan yihiin inta badan hoggaanka Xisbiyada, waxaana guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com