Ceydiid Ilka Xanaf oo Cadaadiska DFS ku qaatay go’aan adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka ayaa si cad u sheegay inuu ka tagayo magaalada Muqdisho, haddii aan la joojin cadaadiska lagu hayo.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay inuu ku laaban doono deegaanada uu kasoo jeedo ee Somaliland, haddii loo diidaa kamid ahaan xubnaha aqalka sare.

Wuxuu sheegay in madaxda dowlada Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku dhaafinayaan xilka uu doonayo, wuxuuna si cad u sheegay inaanu taa aqbali doonin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda aysan dhex dhexaad ka aheyn dadka u tartamaya xilka xubnaha aqalka sare ee matalaya Somaliland.

Ilka Xanaf, ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay inay cadaalad ka shaqeeyaan oo aysan cid gaar ah la safan.

Waxaa socdo qorshe dowladda Xasan Sheikh ay ku dooneyso in Ilka Xanaf kaga ilaaliyaan inuu kamid noqdaa xubnaha aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com