Chelsea iyo Manchester United oo la garaacay kulamadooda UCL.

Champions LeagueGroup E

Shakhtar Donetsk ayaa 5-2 ku garaacday kooxda FC Nordjaelland  oo ay marti u aheyd.

Morten Nordstrand ayaa hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa, daqiiqadii 24aad, waxaase Shakhtar Donetsk u barbareeyey Luiz Adriano daqiiqadii 26aad.

Kasper Lorentzen ayaana mar kale hugaanka usoo celiyey kooxda Denmark, ka hor inta uusan Willian mar kale barbareyn, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Willian ayaa daqiiqadii 50aad hugaanka u dhiibay kooxda reer Ukraine, ka hor inta uusan goolka afaraad ka dhalin mar kale Luiz Adriano.

Luiz Adriano ayaa sedaxleysiisa dhameystirtay daqiiqadii 81aad.

Juventus ayaa 3-0 ku garaacday Chelsea oo marti ugu aheyd Juventus Arena.

Stephan Lichtsteiner ayaa kubad Qatar ah kasoo shaqeeyey waxaana ay Juventus u weysay inay gool dhaliso gool haye Petr Cech, oo si dahabi ah u badbaadiyey.

Oscar kubad uu soo xirfadeeyey daqiiqadii sagaalaad ayaa gool u muuqatay balse Eden Hazard ayaa waxaa ka badbaadiyey gool haye Gianluigi Buffon.

Claudio Marchisio ayaa daqiiqadii 14aad gool isna dhalin karay ka hor inta uusan mar kale kabtanka Chelsea ka badbaadin.

Fabio Quagliarella ayaa hugaanka u dhiibay Juventus daqiiqadii 37aad, ka dib markii uu dhinaca kale u leexiyey shuut uu soo tuuray Pirlo, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Arturo Vidal ayaa u labeeyey Chelsea daqiiqadii 61aad, ka dib markii uu  baas wanaagsan ka helay, xidiga qadka dhexe ee kooxda Juve Kwadwo Asamoah.

Sebastian Giovinco ayaa hurdo u diray Chelsea waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray, sidaas ayeyna ugu egtahay in Chelsea ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee  iyadoo koobka difaacaneysa ku hartay wareega Group-yada.

Champions LeagueGroup F

Valencia ayaa barbaro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay Bayern Munich.

Qeybtii hore fursado sidaas ah la iskuma helin, waxaana ay u muuqatay inta badan ciyaar qabow.

Sofiane Feghouli ayaa hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 77aad ka hor inta uusan Thomas Müller barbareyn sedax daqiiqo ka dib.

Champions LeagueGroup G

Benfica ayaa 2-1 ku garaacday Celtic oo marti u aheyd.

Benfica ayaa hugaanka u qabatay kulankii ay marti gelisay Celtic waxaana goolka daqiiqadii Todobaad u dhaliyey Ola John,  balse Georgios Samaras ayaa barbareeyey ciyaarta oo socota nus saac, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Ezequiel Garay ayaa hugaanka mar kale u dhiibay Banfica daqiiqadii 71aad. iyadoo kooxda reer Scotland laga awood roonaaday.

Champions LeagueGroup H

Cluj ayaa 3-1 isaga reebtay kooxda Portugal ka dhisan  ee Braga.

Cluj ayaa qeybtii hore boobsiisay Braga ka dib markii uu sedax gool ka dhaliyey Rui Pedro, waxaana hal gool kooxda martida ah usoo celiyey Alan.

Ciyaaryahanka kooxda Braga, Douglao ayaana casaan toos ah ka qaatay kulanka ciyaarta oo sii idlaaneysa.

Galatasaray ayaa 1-0 ku dubatay Man Utd oo xaqiijisatay usoo bixitaankooda 16ka.

Galatasaray iyo Manchester United qeybtii hore wax gool ah la iskama dhalin, iyadoo inta badan Red Devils ay u safnaayeen ciyaartoy da’yar ah.

United ayaa gool looga naxsaday bilowgii qeybtii hore ka dib markii uu ka dhaliyey Burak Yilmaz.

Weeraro dhowr ah oo ay qaaday United kuma guuleysan sidaas ayaana lagu dubtay.

Akhristeyaasheenii saadaasha ka dhiibtay kulankaan oo dhamaa ilaa lix aqriste midna ma uusan haleein waana inoo mar kale iyo saadaal wacan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.