Chelsea oo dooneysa inay meel dhexe ka afduubato Demba Ba.

Ilo uu soo xiganayo wargeyska Sky Sports ayaa fahamsan in wakiilka Demba Ba uu la kulmi doono Chelsea habeenka Axada ah (Caawa).

Ba, waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 7 milyan oo ginni kaasoo diyaar noqon doona inta lagu jiro Janaayo marka uu suuqu dib u furmo.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa waayo fiican ku riyaaqay xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey 13 gool sanadkaan 2012-13.

Waxay u muuqataa inuu kooxda sida macquulka ah ka dhaqaaqo, marka lagu daro Arsenal iyo Tottenham, QPR iyo kooxda Faransiiska ah Paris Saint Germain ayaa xiiseynaya.

Hada waxaa lasoo werinayaa inay Chelsea kusoo biirtay loolanka loogu jiro, ka dib markii Ilo ku dhow kooxda Blues ay Sky Sports u sheegeen in la isla meel dhigay wadahalada Ba iyo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Tababaraha Chelsea Rafa Benitez ayaa diiday inuu beeniyo warka ay sheegayaan saxaafadu ee ah inuu 27-jirka reer Senegal u dhaqaaqo London.

Isagoo hadlaayey ka dib kulankii ay 2-1 ku garaaceen Everton, wuxuu yiri: “Kama hadalno ganacsiga, kulan muhim ah ayaan laheyn maanta.”