Ciidamada DF oo canshuur darteed isku laayey (Meeqaa la dilay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee ku sugan degmada Warsheekh ayaa dagaal aan horay loo arag ku dhex maray degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamo iyo saraakiishooda oo ku wada sugnaa waab dhexdeeda ay ku murmeen qaadista canshuurta laga qaado gaadiidka.

Muran mudo daqiiqado socday kadib ayaa labada dhinac ee ciidamada ku wada sugnaa waabta bilaabeen rasaas xili aysan waabta bannaanka ugu bixin, waxaana halkaasi ku geeriyooday labo sarkaal oo milateriga ka tirsanaa iyo labo askari.

Marxuumiinta dhintay oo magacyadooda labo ka mid ah lagu sheegay Cali Colow iyo Cabdi Bashiir ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay falkaasi afar kale oo ciidamada ka tirsan.

Falkaan israsaaseynta ayaa ka dhashay qaadista canshuurta gaadiidka isticmaasha wadada Warsheekh, iyadoo murankaasina la sheegay inuu mudo soo jiidan mayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com