Ciidamada DF oo Shabeelaha Hoose ka sameeyay arin sabab u tahay Dowladda Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ka geysanaya gobolka Shabeelaha Hoose arimo ay danta ku qasabtay.

Masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya gobolkaasi ay dhigteen isbaarooyinkii ugu badnaa.

Sababta isbaarooyinka ciidamada militariga u dhigteen ayaa lagu sheegay mushaar la’aan heysata ciidamada xooga dalka Soomaaliya, taasi oo sabab u ah dowladda Xasan Sheikh.

Ibraahim Aadan Cali, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowlada ay sii kordhiyeen isbaarooyinka gobolka Shabeelaha Hoose oo daruufta ay ku qasabtay.

“Runtii hal arin waa jirtaa ciidanka Somaliyed ee xooga dalka, badanaa inta aan anaga naqaano, waxa ay la nool yihiin Bulshada meesha Koontaroolada u yaallo, anaga Baabuureyda iyo ciidanka xooga dalka uma dhaxeyno waxa ay ka qaadanayaan oo aan anaga u qoondeynay ma jirto, ciidanka guno ma qaataan Mushaarna malahan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Arintaasi ayaa sababtay in ciidamada ay sameeyaan isbaarooyin badan oo dhibaato shacabka iyo gaadiidlayda ku qabaan, balse iyaga ay ka raadsadaan dhaqaalo ay ku noolaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com