Ciidamada DF oo Muqdisho ka billaabay isbaarooyin dadban

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay isbaarooyin dadban oo ay lacag uga qaadanayaan dadka wato gawaariga raaxada ee isticmaalo waddooyinka kala duwan ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka ay sida joogta ah uga dhacaan waxaa ka mid ah wadada Makka Al-Mukrama oo si weyn loo isticmaalo iyo wadada wadnaha iyo 30-ka.

Ciidamada oo taagan Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa dhaqanka cusub ee dadka ay ku baarteen waxa ay noqotay qofka inuu keeno aqoonsi dowladeed (ID Card), haddii kale uu wadada ka laabto ama uu bixiyoo lacag, kadibna loo fududeynayo inuu maro wadada, midaas oo noqotay isbaaro cusub oo lagu tilmaami karo mid dadban.

Qaar ka tirsan dadka ay arrintaan qabsatay ayaa ka dhawaajiyey inay askartaas dadka waydiinayaan ID Card dowladood, haddii uusan wadana laga rabo inuu tuuro Lacag EVC ah si loogu fududeeyo isticmaalka wadada.

Inta ugu badan hab dhaqankan waxaa lagu arkaa nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya. Madaxtooyada waxaa laga galaa saddex wado oo gaadiidka si caadiyan loogu ogol yahay inay maraan, kuwaasi oo kala ah wadada ka timaado Sayidka, wadada ka timaado dhanka tiyaatarka iyo wadada ka timaado Isgoyska Umbulutooriyada.

Saddexdaasi koontarool waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya, waxayna ku weydiinayaan aqoonsi dowladeed, kadibna marka aad u sheegtid inaadan haysan aqoonsi dowladeed ama dowladda aadan u shaqayn, waxa ay kuugu jawaabayan wadada inay xiran tahay, haddii aad isku daydid inaad tustid aqoonsigaaga shaqada ee dowladda aanan aheyn, waxa ay kuu sheegayaan in aanan la mari karin wadada, balse haddii aad sameysid afgarasho suuragal ay tahay inaad martid wadada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado howlo iyo qorshooyin ay isbaarooyinka uga qaadeyso Shabeelada hoose, balse weli kuma baraarugsano isbaarooyinka dadban ee yaal Caasimadda Soomaaliya oo isticmaalkeeda muhiim u yahay dowladda iyo shacabka.

Saraakiisha Ciidamada ee Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inay si deg deg ah arrintaan wax uga qabtaan, haddii kale waxay isku badali doonaan isbaarooyin toos ah oo lagu arko Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com