Ciidamadii ugu badnaa ee ka socda Turkiga oo gudaha u galay dalka Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si horudhac ah magaalada Doxa ee dalka Qadar u gaaray Guutooyin ka tirsan ciidamada Militeriga Turkiga.

Ciidamadani ayaa lagu wadaa in gudaha dalka Qadar ay dhoola tus Militeri kula sameeyan ciidamada Militeriga ee kasoo jeeda Qadar.

Dhoolatuska Militari ee ka dhacaya Qadar ayaa ah mid horey loosii qorsheeyey, Inkastoo uu kusoo aaday xili ay xiisadi ka dhextaagan tahay dalalka Khaliijka.

Ciidamadani gudaha u galay dalka Qadar, ayaa hordhac u ah ciidamo aad u farabadan oo ka imaan doona dalka Turkiga, kuwaa oo lagu dhaqan galin doono heshiiskii 2014 ay kala saxiixdeen Dowladaha Turkiga iyo Qatar.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadaani ay ka qeybqadan doonaan xasilinta amniga Qadar, iyadoo laga dhabeynaayo qodobada amniga ee 2014 ay kala saxiixdeen labada dowladood.

Sidoo kale, Tukiga ayaa ka cudur daartay in ciidamadiisa ay qeyb ka yihiin xiisada ka dhex aloosan wadamada Sucuudiga iyo Qadar, oo qarka u saaran inay fooda is daraan.

Talaabadani ciidamada lagu geeyay dalka Qadar ayaa kusoo beegmeysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhex jirta Sacuudiga iyo Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com