Cosoble oo ka jawaabay mowqifkii DF Soomaaliya ee xiisadda HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa taageertay go’aanka ay Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle xilka uga qaaden Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Qoraal uu soo saarey wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ah Cabdi Faarax Saciid ”Juxa”, ayaa lagu xaqiijiyay in dowladu ay ku mowqif tahay Xildhibaanada HirShabelle oo iyagu qodobo sharci ah ku riday Cali Cabdullaahi Cosoble.

Dowladda waxaa ay sheegeysaa in ay go’aankan gaareen kadib markii ay guddi xaqiiqo raadin ah halkaasi u direen iyo iyaga oo ka cabsi qabo is jiid-jiid siyaasadeed.

Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa isna dhankiisa ka sheegay inaanu khuseyn qoraalka uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Somalia Juxa.

Cosoble waxa uu sheegay inuu ku adkeysanaayo mowqifkii uu kaga soo horjeestay xil ka qaadistiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ku qanacsan yahay in sifo sharci ah loo maro xil ka qaadistiisa.

Waxa uu yiri “Anigu xilka waxaan ku qabtay sifo sharci ah, waxaana ku weyn karaa sifo sharci ah mana aqbali doono xil ka qaadista leygu sameeyay”

“24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com