Cosoble oo ku dhaqaaqay xil ka qaadis iyo magacaabis

Beledweyne (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabadillaahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne.

Hogaamiyaha maamulka ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Beledweyne Maxamaad Cismaan Cabdi oo ku magac dheer ”Qalaafoow” iyo ku-xigeenkiisa Muuse Cabdi Daahir.

Cosoble ayaa Guddoomiyaha degmada Beledweyne u magacaabay Maxamad Axmad Ibraahim ”Foodcade”, halka ku-xigeenka loo magacaabay Khadar Xasan Afrax.

Sidoo kale, Cosoble ayaa Guddoomiye ku-xigeen cusub u magacaabay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi oo bedelaya guddoomiye ku-xigeenkii hore Sheekhdoon Faarax Waare.

Geesta kale, Madaxweyne Cosoble ayaa horay Xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ”Yuusuf dabageed”,waxaana uu ku badaay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com