Cosoble wuxuu eersaday aragtida cusboonaysiinta!

Cali Cabdullaahi Cosoble, MW Hirshabeelle, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey. Sabab? Ani sidan ayey i la tahay;

1- Wuxuu la yimid aragti ka duwan madaxda bartamaha iyo koofurta dhaw.

2- Wuxuu marar badan ku celiyey, in ay xoogga saarayaan, sidii loo furi lahaa dekadda Ceel Macaan.

3- Wuxuu sheegay, in uu furayo garoonka Cisalleey.

4- Wuxuu soo dhaweeyey ganacsatada qaadka, markii lagu qaaliyeeyey canshuurta garoonka Muqdisho.

5- Wuxuu si cad u sheegay, in dhismaha maamulka gobolka Banaadir gogosheeda uu ku qabanayo magaalada Jawhar. Gogoshiisa ayaase ka hor la laabay!

6- Wuxuu magacaabay degmooyin cusub, oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

7- Wuxuu gobolka Hiiraan u ka la qaybshay labo gobol, waxaase ka hoosbaxday, in MW Shariif uu hore labo gobol uga dhigay.

8- Malaha wuxuu ka maagay taageerada qiiraysan ee madaxda cusub iyo guulwadaynta.

9- Wuxuu faraha la galay go’aanka dawladdu ka qaadatay muranka gacanka Carbeed.

10- Wuxuu taageero ka waayey qaar ka mid ah beelaha gobolka, oo uusan si mug leh u qancin.

Haddaba, marka laga soo tago habka loo maray iyo hannaanka ay u la falgashay dawladdu, waxaan dhihi lahaa; Cosoble wuxuu eersaday aragtida cusboonaysiinta!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid