C/raxmaan C/shakuur: Heshiiska MoU ee badda wuxuu difaacayaa danaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyay eedeynt loo jeediyay ee ah inuu Badda Soomaaliya iibsaday.

Musharax ayaa ololaha ka socda baraha bulshada ee dhanka ah isaga, Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ku sheegay inay wadaan kooxo abaabulan oo u adeegaya musharixiin kale. Isagoo ku dooday in heshiiska uu saxiixay ee  MOU uu yahay mid difaacaya wax uu ku sheegay danaha Soomaaliyeed ee qalfoof badeedka.

Fariin uu soo dhigay bartiisa facebook hoos ka akhri.

1- Waxaan aad ugu kalsoonahay kartida iyo xirfadda garyaqaanadda Soomaaliya u metelaya dacwadda Maxkadda Caalimga ee Heeg ka socota.

2- Waxaan ku kalsoonahay in MoU aan saxiixnay 2009 uu difaacayo danaha Soomaaliya khuseeyana qalfoof badeedka ( continental shelves) oo uu san shaqo ku lahayn xuduud badeed (Maritime bounders). Waxaan taas cadayn doona dooda Qareenadda Soomaaliya metelaya. MoU wuxuu fure u yahay in dacwadda Maxkadda la keeno maadaama wadooyinkii wadahadalka ay soo xirmeen.

3- Waxaa baraha warbaahinta ka socda dacaayad iyo Olole siyaasadeed oo ka dhan Aniga, Shiekh Sharif iyo Cumar C/rashiid kasoo ay wadaan kooxo abaabulan, oo uu adeegaya musharraxiin kale. Waxaa haboon in aan Qadiyad heer Qaran joogta hanti qaranna ah loo adeegsan Olole doorasho oo lagu dhawaacayo sumcadda iyo sharafta masuuliyiin iyo musharraxiin kale. Madaxda iyo Musharraxiinta arrinkaan ku hawlan Waxaan leenahay “Waa ceeb in aad biyo calaw ah ka kaluumaysataan”.

4- Maadaama aan dan guud ka shaqayno waxaan u bareeenay in aan dulqaad u yeelano aflagaadadda, been abuurka iyo buhtaanka, waana wado na looka horeeyey. Sayidunaa Caa’isha ayaa lagu been abuurtay ilaa heer Nabiga iyo xigtadiisa ay ku kala dhinteen, markii danbe uu Ilaaheey beri yeelay. Waxaan ugu baaqaynaa in aan laga hordhicin dooda qareenadda lagana warsugo jawaabta ay bixiyaan.

5- Waxaan diyaar u ahayn in si buuxda u qaado masuuliyadda wixii aan ku gabood falnay, Waa in sidaasoo kale aan wixii guul ahna aan abaalkeeda u yeelanaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com