Beyle oo maanta hees u daaray xildhibaanada baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhageystay khudbadaha iyo waxqabadka ay la imaan doonaan musharixiinta guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u daaray hees uu isaga sameeyay.

Heesta ayaa micnaheeda wuxuu ahaa in xildhibaanada baarlamaanka kasoo dhalaalaan doorkooda shacabka Soomaaliyeedna ay xaal qaataan.

Erayada Heesta oo qiiro gelisay xildhibaano badan waxaa kamid ahaa

” ..Xantiis fulay waa yaqaane
Hadaan horay xagal ka daacnay
Bulshooy xaalqaado weyn…”

XIldhibaano badan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay heestaasi iyo guubaabada uu dareensiiyay wasiir Ducaale Beyle.

Dhinaca kale waxaa khudbado jeediyay Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/fataax Ibraahim Geeseey.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com