Culumada oo xildhibaanada BF u bandhigay nooca hogaanka dalka ay la doonayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hayadda majmaca culumada Soomaaliyeed ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya u bandhigay nooca ay doonayaan inuu noqdo hogaanka dalka.

Sheikh Bashiir Axmed Salaad, ayaa xasuusiyay xildhibaanada baarlamaanka kitaabkii ay ku dhaarteen, wuxuuna sheegay inay xasuusnaadaan maalintii ay dhaaranayeen.

Sheikh Bashiir, ayaa ka codsaday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka inay soo doortaan hogaamiye wax ka qaban dhibaatooyinka dalka ka jira.

Wuxuu sidoo kale u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka inaysan dhaqaalo ku dooran hogaamiyaha dalka sanadaha soo socdo.

Sheikh Nuur Baaruud, ayaa dhankiisa sheegay in xildhibaanada ay ka dalbanayaan inay ka fakaraan hogaamiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka cidda ay u dooranayaan.

Maalinta beri ah ayaa la qorsheeyay inay dhacdaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com