Cumar Cabdirashiid oo QM u gudbiyey warqad ka ilmeysiineysa Somali kasta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo lagu wado in Cumar Cabdirashiid loo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa Caasimada Online, oo muddo ka qeyb qaadaneysay difaaca badda Somalia, waxa ay lagama marmaan u aragtay inay umadda Soomaaliyeed xusuusiso taariikhdii Cumar iyo waxa lagu xasuusto. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdo ku taariikheysan August 2009, oo ah warqad qof kasta oo Soomaali ah oo aqriya ka ilmeysiineysa.

Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, oo loo saxiixay.

Waa warqad si qeexan u muujinaysa in dowladdii Cumar ay si bareer ah u doonaysay in ay dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka Soomaaliyeed.

“Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga argagaxo, in qof sheeganaya mas’uul Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale ah. Waana arrin aad looga xumaado.” Sidaas waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid..

Inta aynaan u gudbin tarjumaada warqaddaas, waxaan  is-dul taagi doonaa macnaha ay xambaarsan yihiin dhawr qodob/xeer oo lagu xusay warqadda, sida:

Annex I, article 5(a): ee Nidaamka Guddiga QM waxa uu dhigayaa “Haddii ay jiraan dhul ama bad lagu muransan yahay, Guddiga (QM) ma tixgelin doono ama ma ansixin doono akhbaarta uu  soo gudbiyey dal ka mid ah kuwa uu ka dhexeeyo murankaasi. Laakiin Guddigu waxa uu tixgelin siinayaa akhbaarta uu soo gudbiyo dal ama ka badan ee ku saabsan aagga lagu muransan yahay haddii uu jiro ogolaansho hore oo ay bixiyeen dhammaan dalalka uu muranku ka dhexeeyo.” Taas macnaheedu waxaa weeye haddii muran jiro waa in marka akhbaarta la gudbinayo lala socodsiiyo QM, haddii dalalkii murankaasi ka dhexeeye ay isla ogol yihiin muranka markaas Guddiga Xadaynta Badaha ee QM waxa uu ka gaari karaa go’aan. Arrintaas ayaa si qeexan loogu cadaynayaa warqadda hoose ee loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Annex II, article 9: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Ficilka Guddiga (Qarammada Midoobay ee Xadaynta badaha) caqabad kuma noqon karo arrimaha la xiriira xuduudda u dhaxaysa labada dal ee deriska ka ah xagga badda. (Tixraac halkan).

Annex II, article 4: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Dalka xeebta leh oo doonaya in ay kordhistaan cabirka qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waa in ay muddo 10 sano gudahood markii xeerku dhaqan galay, in ay Guddiga (QM) u gudbistaan akhbaarta la xiriirta xadka baddooda oo ay la socdaa farsamo cilmiyeed iyo saynis garab siinaya cabbirkaas. Waa in dalka xeerbta leh ay sheegaan magacyada xubnaha ka tirsan Guddiga (QM) ee dalkaas ka taageeray xagga farsamada ama siiyey talo.

sharmar1

Sida aad ku arki kartid warqadda ay daabaceen Qarammada Midoobay, waxaa ku qoran in loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha DFKMG, laakiin magaca qofka saxiixay kuma qorna.

Waxaa aad u cajaa’ib badan in qoraalka warqaddu uu ku soo celcelinayo HESHIISKII IS-FAHAMKA (MOU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, laakiin aan hal meelna lagu xusin in Baarlamaanka DFKMG uu heshiiskaas ka dhigay WAXBA KAMA JIRAAN.

Waxaa xusid mudan, sida laga helay ilo wargal ah, in xeerkii ay Baarlamaanku ku diideen heshiiskaas in loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG Shariif Axmed, sidaasna uu xeerkaasi ku noqonayo qaanuun dawladeed. Waxaa baarlamaanku heshiiskaas diidey August 1, 2009. Taas oo jirta ayaa waxaa muuqata (maadaama warqaddani ku taariikhaysan tahay August 19, 2009) in xukuumaddii Sharmaarke ay garab martay Baarlamaanka oo halkii ay gudbin lahayd go’aankii baarlamaanka ay ka gudbisay qoraal aan la aqoon cidda saxiixday oo aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Warqaddaas marka la dhuuxo qaabka ay u qoran tahay iyo sida loo kala hormarinayo erayada iyo dalalka, iyo sida loogu celcelinayo in uu muran baddeed ku jiro dhulka Soomaaliyeed, waxaa laga dheehan karaa in uusan qorin qof Soomaali ah ama dan u haya dalka  iyo dadka  uu matalo.

Warqadda Cumar Cabdirashiid oo English ah hoos ka arag, kadibna waxaa kasii hooseeya ayada oo ku tarjuman Soomaali

bad1bad2

Xukuumadda Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya..
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

______________________________
XRW/00506/08/09  August 19, 2009

Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA

Mudane,

Ayadoo la tixraacayo xiriirkaagii ku taariikhaysnaa May 11, 2009 (La socodsiintii ku astaysnaayd CLCS.35.2009 LOS ee Qalfoofka Qaaradda) ee ku saabsanayd akhbaartii ay Kenya u gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (ee Qarammada Midoobay QM), iyo ayadoo la waafaqayo xeerka Lifaaqa ee Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerarka iyo Qaanuunka Guddiga (QM), waxaa sharaf ii ah, anigoo ku hadlaya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, in aan soo gudbiyo aragtiyadan:

Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waa mid aan la xallin. Waxay u muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco) sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta (xadka labadda dal) si loo sameeyo cabbirka qalfoofka qaaradda ee u dhaxaeeya labadda dal ee deriska ka ah xagga badda. Soomaaliya waxay ku salaysay aragtida dambe (in la jeexo xarriiq isku in u jirta iyo xadka labadda dal si toosa looga dhaqaaqayo).

Arrintan xadaynta ee aan la xallin waa in loo tixgeliyo in ay tahay “muran baddeed” ayadoo laga tilmaan qaadanayo xeerka Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerka Nidaamka Guddiga (Xadaynta Badaha ee QM). Kenya iyo Soomaaliya waxay sheegteen aag (dhul-badeed) is-dul-saaran, aaggaas oo ujeeddo taas la mid ah ku noqonaya “aagga lagu muransan yahay.” Sidaas daraadeed, ficil kasta oo ay qaadaan Guddiga (QM), ayadoo la raacayo UNCLOS, xeerka Annex II, qodobkiisa Article 9, waa in uusan caqabad ku ahaan arrimaha la xiriira xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

April 7, 2009 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya iyo Wasiirka Qoshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo labadaba ay dawladahoodu u xil saareen, waxay Nairobi ku saxiixeen “Heshiis Is-Afgarad (Memorandum of Understanding MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni karin (NO-OBJECTION)akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka durugsan 200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda”. Nuqul ama koobi ka mid ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca ahayd ee muujinaysa in ka durugsan 200 mayl badeed oo ah  qalfoofka qaaradda oo ay gudbisay Soomaaliya, ayadoo lagu salaynayo go’aankii  ka soo baxay Kulankii siddeed-iyo-tobnaad ee dalalka  xubnaha ka ah UNCLOS ee ku qoran dukumiintiga SPLOS/183.

Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo JamhuuriyaddaSoomaaliya waxaa ku cad in waqtigii ku haboon uu dal kasta si goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga (xayanta ee QM) ay go’aan ka gaari karaan akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu muransan yahay. Waxaa taas dheer in ay shardi tahay in akhbaartaas loo gudbiyey Guddiga (QM) iyo kaddib soojeedinta ay ansixiyaan Guddigu waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay labada dal ka taagan yihiin marka laga hadlayo muran badeedka u dhexeeya ayaga, waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha baddaha eeaagga lagu muransan yahay, oo ay ku jiraan xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 oo mayl baddeed.

Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU) xuduudaha badda ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka heshiin doona labada dal ee xeebta leh, ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan baaritaankooda ay si kala gooni ah ugu eegayaan akhbaarta ay gudbiyeen labada dal ee xeebta leh, isla markaasna Guddiga (QM) uu labada dal u soo jeediyo talooyinkiisa ku aadan sidii ay qaabkii ay (dalalkaasi) u samayn lahaayeen xadaynta ku saabsan qalfoofka qaaradda (badda) wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Ayadoo fahamsan arrimaha sare ayay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay marlabaad ku celinaysaa ogolaanshaheedii in Guddiga (QM) ay Kenya u qiimeeyaan (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u dhaxaysa labada dal,  ayadoo la raacayo xeerka 5(a) ee Nidaamka Xeerka Guddiga (QM). Ficilka ay qaataan Guddigu ee la xiriirta akhbaartii ay gudbisay Kenya waa in aysan caqabad ku ahaan akhbaarta ay mustqabalka gudbisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayadoo la raacayo xeerka Annex II, qodobkiisa Article 4 ee UNCLOS, oo khaas ku ah qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed oo ay la socdaan xog farsamo iyo saynis oo arrintaas gacan siinaysa, oo uu ku jiri karo aagga lagu mursan yahay, iyo tixgelinta uu Guddiga (QM) siin doono mustaqbalka akhbaartaas ay gudbin doonto Soomaaliya.

Waxaa sharaf ii ah  in aan ku weydiisto in warqaddan loo gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, isla markaana in la daabaco, oo weliba lagu daabaco website-ka Guddiga (xadaynta badaha ee QM).

Fadlan iga aqbal, mudane, tixgelintii ugu saraysay.

(for) loo saxiixay

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha

saxiix_omar

 

 

 

 

 

 

Qoraalkan kore uma baahna sharaxaad badan, waxaanse is dul taagi doonaa dhowr arrimood oo muhiim ay tahay inay fahmaan ummadda iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed.

1- Marka la eego qaabka hadalku u socdo, sida uu isugu xiranyahay iyo sida uu Kenya ugu xaglinayo iyo kala hormarinta Magacyada labadda dal, marka si aad ah loo dhuuxo waxaa ka muuqda inay tahay waraaq Kenya soo qorotay oo loo saxiixay, sidii Heshiiskii loogu yeeray MOU.

2- Qodobka Muhiimka ah oo dowladdii Cumar caqabada ku ahaa waa “aaway go’aankii  Baarlamaanka ay gaareen Agoosto 1, 2009” sida uu dhigayey Xeerkii u qornaa Dowladdii Kumeel gaarka ah waa in madaxwaynaha loo gudbiyo go’aanka Baarlamaanka, 14 casho gudahoodna uu kusoo jawaabaa, inuu soo saxiixo iyo inuu soo diido oo markale dib looga hadlo, labaas ayaa u furan. Madaxwayne Shariif waa lagaarsiiyey Go’aankii Baarlamaanka. Taas oo jirta, ayaa meeshii Qarammada Midoobay looga gudbin lahaa go’aankii Baarlamaanka ayaa waxaa la gudbiyey Agoosto 19,2009 waraaq ka daran tii Heshiiskii Kenya lala galay Abriil 07,2009. Hadaba su’aashu waxay tahay maxay ku kala duwan yihiin go’aankii Madaxwayne Shariif Baarlamaanku ku doortay iyo go’aankan uu Baarlamaanku ku diiday Heshiiska Cumar uu Kenya la galay?  sidoo kale maxay ku kala duwan yihiin go’aankii Baarlamaanku Raysul Wasaare Cumar lagu ogolaaday inuu Wasiirka koowaad noqdo, Dowladiisiina lagu ansixiyey iyo  go’aankan uu ku diiday Heshiiska Kenya uu lagalay?

3- Arrinta sadexaad waa erayada murugada ku ridaya wadaniga Soomaaliyeed ee ay ku celcelinayso cida qoraalkan gudbisay, fadlan erayadan oo ah nuxurkii warqada dhuux. “Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waa mid aan la xallin….”Waxay u muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco) sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta (xadka labadda dal)……”Arrintan xadaynta ee aan la xallin waa in loo tixgeliyo in ay tahay “muran baddeed“…………..””Heshiis Is-Afgarad (Memorandum of Understanding MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladdii Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka dururgsan 200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda”. Nuqul ama koobi ka mid ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca ahayd” (Waxaan idin xasuusinaynaa nuqulka heshiiska Kenya lala galay waxaa gudbisay oo xogteeda ku lifaaqday Soomaaliya, waxaana ku saxiixnaa Cumar  C/rashiid, halka Kenya ay xustay oo Kaliya)…………”Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay ee dhexmaray JamhuuriyaddaKenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad in waqtigii ku haboon uu dal kasta si goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga (xayanta ee QM) ay go’aan ka gaari karaan akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu muransan yahay”………“Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU) xuduudaha badda ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka heshiin doona labada dal ee xeebta leh, ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan baaritaankooda”…………..”Ayadoo fahamsan arrimaha sare waxay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay marlabaad ku celinaysaaogolaanshaheedii in Guddiga (QM) ay Kenya u qiimayso (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u dhaxaysa labada dal, …”

Qoraalkan kore waa nuxurkii waraaqdii QM loo gudbiyey oo tarjumaadeeda kor aad ku soo aragteen, dhammaan meelaha cadaymaha u baahan oo dhan waxaan ku faahfaahinay qoraaladii hore, fadlan intii aan fursad u helin ama aan xasuusan  iyagoo faah faahsan ka akhri hoos. Hadalkan kore oo dhan wuxuu isugu soo ururayaa sidan: Kenya ayaa nagu qabsatay, cabiratayna 116,000km2 oo badda Soomaaliya ka mid ah, Waxay u yeertay Dowlada Fedaraalka Kumeel gaarka ah ee ay hogaamiyaan, Madaxwayne Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo Raysul Wasaare Cumar C/rashiid, waxay ka ogolaadeen sheegashadii Kenya waxayna u saxiixeen Heshiis dantiisu tahay inay labada dal isla ogol yihiin in Xuduuda Baddooda aysan kala calaamadsanayn, Muran baddeedna  u dhexeeyo, Soomaaliya waxay ogolaatay inaysay wax diidmo ah ka keenayn xogta Kenya QM u gudbisatay oo badda Soomaaliya ay ka qaadatay ku jirto. Labada dal waxay isla ogol yihiin in QM ku kala saarto aagga ay isku haystaan oo badda Soomaaliyeed ah iyadoo la raacayo xeerka Baddaha ee Caalamiga ah, Waxay kaloo isla ogol yihiin in QM aysan caqabad ku noqon Kenya iyo Soomaaliya heshiiskooda maadaama labada dal ay isla fahmeen in uu jiro dhulbadeed aan kala calaamadsanayn, Muran baddeed iyo wixii ka baxsan aaga la kor dhindoono ee ah 200 oo mayl baddeed in aag isku mid ah u cabirmi doono labadda dal. Gabagabada waraaqda ayaa waxaa Guddiga QM Soomaaliya u sheegtay inay fahamsantahay arimaha badda ay ka hadlayso, isla markaasna ay ku celinayso ogolaanshaheedii ahaa in Guddiga QM uu qiimayn siiyo Kenya akhbaarii ay u gudbisatay ee la xiriirtay aagga lagu muran sanyahay ee badda u dhaxaysa labadda dal.

Aagga lagu muransan yahay waxaa kuu cadaynaya: Warbixintii ay Kenya gudbisatay waxay si bareer ah ugu muujisay khariidad ay ku cabiranyso dhul-badeedka Soomaaliya. Halka DFKMG ee Soomaaliya ogolaatay in aysan arrintaas waxba ka qabin.

Miyaa Lagu Been Abuurtay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid, Mase waxa loo saxiixay ayuusan war u hayn oo arikin?, Haddii QM aysan hubin in warqadda ay ka timid Cumar Cabdirashiid ma aqbali lahayd?

Su’aashaas ayaa ku soo dagdagaysa maskaxda qof kasta oo Soomaali ah, waxaa caqliga iyo garashada fahamka Banii-aadamka kafog in warqad noocaan oo kale ah uu saxiixo/gudbiyo/ogolaado masuul ku magacaaban jago muhiim ah sida Mudane Cumar  C/rashiid. Hadana dhinaca kale taariikhada marka dib loo celiyo, waxaad moodaa shalay iyo maanta wax isaga eg, 1967 waxaa Dalka Soomaaliya Madaxwayne ka ahaa Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, waxaa Raysul Wasaare ka ahaa Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Allah labada ha u naxariisteed), waxay ogolaadeen heshiiskii Caruusha (MOU) ee ay ku maqanyihiin lix gobol oo Soomaali ah, halgan dheer oo xorayntooda loogu jirayna halkaas ayuu ku ragaasay.

2009  Waxaa Dalka  Soomaaliya Madaxwayne kumeel gaar ah ka ahaa  Mudane Sheikh Shariif Sh. Axmed, Waxaa Raysul Wasaare kumeel gaar ah ka ahaa Cumar C/rashiid, waxay ogolaadeen heshiiskii Nairobi (MOU) oo lagu qaadanayo 116,000km2 oo badda Soomaaliyeed kamid ah.

-1967 C/rashiid Cali Sharmaake dhigiisa waxaa ahaa  Madaxwaynena ka ahaa Dalka Kenya oo guushaas taariikhiga ah usoo hooyey Mudane Jomo Kenyatta.

-2009 Sheikh Shariif Sheikh Axmed dhigiisa waxaa ahaa Mudane Mwai Kibaki oo doonaya guushaas mid ka muhiimsan inay taariikhda u gasho.

Waxaan u daynaynaa inuu ka jawaabo taariikhdan isu eg ee qormaysa mudane Cumar C/rashiid inuu u bareeray inuu Kenya Badda Soomaaliyeed siiyo iyo in magaciisa la isticmaalay.

Faafin: SomaliTalk.com | September 16, 2009