Gaas oo hal arrin darteeda ugu carooday taliyayaasha hay’adaha amaanka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa si adag uga hadlay qorsho la’aanta Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland.

C/wali Gaas oo kulan saacado badan qaatay la yeeshay Taliyayaasha iyo Saraakiisha maamulka ayaa ka dalbaday in war cad looga keeno dhaqdhaqaaq la’aanta ciidamada Puntland, gaar ahaan Degmada Qandala.

C/wali Gaas, ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiish ku canaantay in muddo kooban gudaheeda Daacishta Somalia looga saaro deegaanada ay wali uga sugan yihiin Qandala.

C/wali Gaas, ayaa markii uu gaaray Degmada Qandala loo kala saaray deegaanada ay ciidamada maamulka gacanta ku hayaan iyo qeybaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

C/wali Gaas waxa uu tilmaamay in Taliyayaasha looga baahnaa in mar qura ay Daacishta ka saaran dhammaan goobaha ay heystaan ka hor inta aysan ku dul hubeysan.

Gaas, waxa uu Taliyayaasha ku amray inay soo diyaariyaan qorsho suuragalinkara in Daacishta Somalia looga saaro qeybaha danbe oo ay uga harsan yihiin Qandala.

Dhinaca kale, Amarka Gaas ayaa imaanaya xili dhawaan Daacishta Somalia ay la wareegen degmada Qandala, balse iminka dib looga saaray dhowr deegaan oo hadda ay heystaan ciidamada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com