Gaas oo wada qorshe uu kusoo celinayo wasiirada qaar iyo xildhibaanada oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa kulamo gaargaar ah la qaadanaaya Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee asbuucii tagay riday Golaha Wasiirada uu leeyahay maamulka.

C/weli Gaas, ayaa Xildhibaanada kala tashanaaya Wasiirada cusub ee uu soo dhisaayo maalmaha fooda nagu soo haya, si ay ugu yeeshan tallooyin.

C/weli Gaas, ayaa Xildhibaanada qaar ee uu la kulmay sharaxaad kasiiyay sifaadka uu kusoo xulan doono Wasiirada cusub oo u badnaan doona kuwo ku cusub Siyaasada.

Waxa uu sidoo kale, Gaas Xildhibaanada ku wargaliyay inay suuragal tahay in mar kale uu soo celsho Wasiirada qaar ee iminka waayay xilkii ay u hayeen maamulka.

Wasiirada suuragalka ah inuu soo celsho ayaa waxaa kamid noqon doona kuwo ku amaanan howlaha ay maamulka u hayeen, waxaana soo jeedintaasi siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay Xildhibaanada la kulmay Hogaamiyaha.

Geesta kale, Xildhibaanada ayaa Hogaamiyaha uga digay inuu lasoo laabto Wasiirada sababta u ahaa in la laalo Golaha dhan kuwaa oo ku sifoobay howlgudasho la’aan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com