Daawo: Amiirka Qadar oo jeediyay Khudbad kulul oo ku saabsan xiisada Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, ayaa markii ugu horeysay jeediyay Khudbad ku saabsan Khilaafka dalkiisa kala dhexeeya dowladaha Xulafada Sacuudiga.

Amiirka ayaa Khudbadiisa dheer uga hadlay dhinacyo badan oo dhanka Siyaasada ah, waxa uuna mahad celin u jeediyay Shacabka Qadar iyo Dowladaha Carabta ee dhex dhexaadka ka ah Khilaafka.

Amiirka waxa uu amaanay dowlada Kuwait oo uu sheegay inay u dhabar adeegeyso xal u helida xiisada Khaliijka iyo dalalka kale ee adduunka oo uu tilmaamay in khilaafka ay ka qaaten go’aan cad.

Amiirka waxa uu tilmaamay in khilaafka jira ay waxbadan ka baran doonaan Shacabka Qadar ee dulqaadka u muujiyay arrinta taagan.

Waxa uu sheegay in dulmiga lagu hayo Qadar aysan aqbali karin shucuubta caalamka haddii ay dhacdo inay la kulmaan mid lamid ah dulmiga lagu hayo dowlada Qadar iyo shacabkeeda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in tuhunka argagixiso ee lagu eedeeyay Qadar inaysan aheyn mid ay aqbali lahaayen dowladaha reer galbeedka iyo kuwa soo xariiqay 13 qodob ee qeybta ka ah xulafada.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha reer galbeedka kuwooda Siyaasada iyo Bulshada, ay ka bixi lahaayen hoos ka xariiqa qodobada lagu xiray Qadar, haddii ay qabsato tan iminka heysata Qadar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com