Daawo: Arrin doorashada Somaliland ku cusub iyo Cirro oo shaaciyey in…

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharax Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi ( Cirro) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa warsaxafadeed uu ku qabtey Hoyga uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa warfadiyeenada ugu sheegey in wadahadal ay la bilaabeen Guddiga Doorashada kaas oo lagu xalinayo cabashooyin ay u gudbiyeen.

Cabdiraxman Cirro ayaa sheegey in shacabka iyo guud ahaan tageerayaasha Xisbiga amniga ilaaliyaan amniga isagoo shaaca ka qaadey in maanta wadahadal u bilowdey Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Wadani si loo xaliyo codsiga tabashadii ay u gudbiyeen.

“Saan horey ugu baaqney shacbiga guud ahaan iyo taageerayaasha Xisbigaba waxaan ugu baaqeynaa iney amniga ilaaliyaan, waxaa kaloo u sheegeynaa in maanta wadahadal noo bilowdey Komishinka doorashooyinka Qaranka si loo xaliya codsiga iyo tabashada uu gubiyey xisbiga Wadani, wadahadlkii kowaad waan wada yeelaney maanta waan u gudbiney wixii dareen ah iyo tabashooyin ee xaaladaan lagaga bixi karayo oo ah qancin kuna saabsan wixii xisbiga uu dalbadey waxaana isugu imaaneynaa wadahadal labaad.” ayuu yiri Musharax Cirro oo la hadlay saxaafada.

Cirro ayaa inta uu hadalkaan ku jirey markale ku celiyey in taageerayaasha xisbiga ka warsugaan inta la xalinayo tabashada ay qabaan.

Hoos ka daawo warbixin arrintan ku saabsan