Daawo Cabdiraxman Cirro oo war culus kasoo saaray doorashada Somalilad

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan Cirro oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay  in ay aqbali doonnaan doorasho xor oo xalaal ah hase ahaatee aanay aqbali doonnin cod xaaraan ah in ay cidina ku badiso – waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cirro waxa kale oo uu sheegay in ay joojiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay guddida doorashooyinka Somaliland illaa inta ay ka jawaabayaa cabashooyin uu sheegay in ay u gudbiyeen.

“Waxaan sheegayaa inaan aqbalayno doorasho xor oo xalaal ah hasa yeeshee aanan aqbali doonnin cod xaaraan ah inay cidina ku badiso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Shalay ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI wuxuu eedayn dusha uga duuray Guddiga doorashooyinka maamulkaas [NEC].

WADANI, ayaa ku eedeeyay Guddigan inuu la safanyahay garabka Muuse Biixi ee Kulmiyay islamarkaana ay jiraan codad la is-daba mariyay.

Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com