Daawo: Cali Khaliif Galaydh oo Somaliland ka codsaday inay ku duusho Puntland

Buuhoodle (Caasimada Online) – Dr. Cali Khaliif Galaydh oo maalintii Shalay Heshiis la galay maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu Wel wel ka qabo Sida ay u midho dhali doonaan Heshiiska uu la gaadhay Somaliland, Wuxuuna Xusay inay Heshiiska Qaateen iyagoo miyir Qaba.

Qodobada kasoo baxay Heshiiskii ay  galeen Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa  ka mid ahayd in Dastuurka la furo, In  lawada ilaashado Somaliland iyo Ciidanka Khaatumo lagu daro Somaliland

Cali Khaliif Isagoo ka hadlayey Arinta Dastuurka ayaa  sheegay in  hadii la Furo Dastuurska Somaliland ay ka Faa’iidaysan doonaan Dhamaan Somaliland-ta Cusub, Siduu Hadalka u dhigay.

Wuxuu Codsaday inay Somaliland Duulimaad ku Qaado Puntland, Isagoo ku eedeeyay inay ku hayso Faragelin Siyaasadeed, Dhaqaalle iyo mid Ciidanba.

“Puntland ayaa Duulimaad nagu ah Siyaasad ahaan, Dhaqaalle ahaan iyo Ciidan ahaan, Adeerayaal Nala garta oo Gacan na siiya, Harti iyo Daarood wax la dhaho ma jiraan, Buuhoodle maamul ayay naga dul dhiseen, Ciidamo ayaa ka joogay Kuwa kalana way Qorayaan” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

“Wallaahay ma aamini doono Somaliland iyo Isaaq Hadii aysan Puntland oo Rabta Dhulkayaga Wax nagala Qaban” Ayuu yidhi.