DAAWO: Cali Khaliif Galayr waxba ma reeban (Wax walba wuu kashifay)

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif galayr, ayaa wareysi xasaasi ah siiyey TV-ga Somali Channel.

Galayr, ayaa ka hadlay arrimo aad u muhiim ah, isaga oo taabtay dhinacyo badan. Waxa uu soo hadal qaaday mooshinno fashilmay oo isaga iyo xildhibaano kale ay geeyeen baarlamanka kuwaasi oo ka dhan ahaa xukuumadda Saacid. Waxa uu kashifay sababo la yaab leh oo mooshinkaas uu ku fashilmay.

Galayr, waxa uu caddeeyey in weli ay ku tala jiraan mooshin kale oo ay horgeeyaan Baarlamanka.

Waxa uu si cad u sheegay in golaha qas-wadayaasha Nairobi uu yahay mid jira kana soo horjeeda dowladda Somalia, waxaana uu sheegay magacyada shaqsiyaad aan horey loo ogeyn oo ka mid ah qas-wadayaasha, uuna ka mid yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, isaga oo si aan buuxin usoo dhoweeyey sheegayna inay jiraan maamullo kale oo iyagana u baahan wada xaajood.

Waxa uu ku dooday in DF Somalia lagu qasbay heshiiska, ayna jiraan qodobo aanay dadku ogeyn oo heshiiska lagu soo qaaday, kuwaasi ah kuwa la yaab leh, oo ay ka mid yihiin qaabka la isku raacinayo gobollada.

Isaga oo ka hadlayey dastuurka Somalia, waxa uu qiray inay ku jiraan qodobo is burinaya, islamarkaana dastuurku uu u baahan yahay in sidiisaba la beddelo, oo aanu ahayn mid wanaagsan.

Prof. Galayr, ayaa dhinaca kale ku weeraray DF Somalia heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid u muuqday in lagu aqoonsaday.

Wareysiga oo dheer ayaa Galayr waxa uu lagu weydiiyey su’aalo aad u kulul, kuwaasi oo kadibna keenay inuu ku xanaaqo wariyihii ka qaadayey wareysiga.

Halkan ka daawo Wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com