Dhageyso: General Moorgan oo ka carooday geeri degdeg ah oo ay u saadisay warbaahinta qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamed Sicid Xirsi ”Moorgan”, ayaa sheegay inuu noolyahay, kadib markii la baahiyay inuu dhintay, sida ku cad muuqaal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay.

Moorgan, oo jooga dalka Oman ayaa sheegay in warbixinta ku aadan geeridiisa laga baahiyay Facebooga Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuusan ogeyn sababta rasmiga ah.

Moorgan waxa uu sheegay inuu weli yahay mid nool, isla markaana uu dadkiisa u sheegayo inuu caafimaad qabo.

Nuqul kamid ah haddalka muuqaalkiisa ayaa ahaa “Ehelo baa telefoon igu waalay waxaan idiin sheegayaa inaan noolahay, waxaana sugayaa wakhtigeyga”

Moorgan, waxa uu sheegay inay dhacaan warar badan oo aan la xaqiijin isla markaana ay baahiyaan warbaahinta qaarkood, taa oo uu sheegay inay qalqal iyo dhibaato u abuureyso dadka ehelka ah.

”Micnaha kama baqaayo geeri, ee waxaa aad iisoo wacaaya dad ehel ah, waxaan cadeynayaa inaan weli noolahay” ayuu ku celshay.

Geesta kale, Generaal Moorgan ayaa carab dhabay in qof waliba uu sugaayo wakhtigiisa, isla markaana uu diyaar u yahay wakhtiga uu leeyahay.