Daawo: Khudbaddii cajiibka ahayd ee uu Farmaajo ka jeediyey xuska 26-ka June

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa xalay ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Waaya jooga ah oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheekeeyay Taariikhada Halganka Soomaaliya, iyaga oo aad u xasuusiyay dadka ka soo qaybgalay munaasabadaan dadaalka dheer ee laga soo maray in la gaaro Soomaaliya oo xor ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xusay Guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii ay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

“Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.