DAAWO: Madaxweynaha Puntland oo fariin adag udiray DFS kana hadlay Arinta Carabta & Xiisada Galmudug

Madaxweynaha maamulka Puntland State Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa bixiyay Wareysi xasaasi ah oo uu uga hadlay xaalada Puntland, Heshiiska Imaaraadka, Xariirka ay ujareen Qatar, Khilaafka dowlada, Arinta Galmudug & In Qalbi-dhagax Itoobiya loo dhiibo.

Cabdi Weli Gaas ayaa ugu horeyn sheegay in Puntland ay ku jirto xaalad wanaagsan, laakiin dhibaatada ugu badan ay tahay dagaalo uga imaanaya kooxaha Argagaxisada ah sida uu hadalka udhigay.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay heshiiska Imaaraadka kula wareegay dekadda Boosaaso ayuu sheegay inuu 30 sano soconayo, laakiin muhiimada ay tahay in dhismaha dekadda.

Mar uu ka hadlayay xariirka ay ujareen dowlada Qatar ayuu madaxweynaha Puntland sheegay inuusan aqoon meel ay ku taal Qatar isla markaana aysan wax xariir ah la laheyn, sidaas darteed ay uraaceen xulifada Sacuudiga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WAREYSIGA

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=szbQAQT39cg&w=504&h=300]

”Dowlada naftigeeda dhex dhexaad kama ahan arintan ee Qatar ayay la dhinac tahay, anaguna maba naqaano kuwaas”ayuu yiri  C/Weli Gaas.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay talaabada ay dowlada ku bur burineyso maamul goboledyada gaar ahaan Galmudug State.

”Tiro yar oo xildhibaano ah ayaa shiray oo dhahay xilka waan ka qaadnay madaxweynaha, dowladana waa taageertay, waxaas ma ahan wax loo baahan yahay oo masuuliyadnimo ah”ayuu yiri Gaas oo u careysan talaabada dowlada.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay in dowlada Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay C/Kariim Sh Muuse Qalbi dhagax, waxaana uu ku tilmaamay talaabo ay dowladu ku fashilantay.