Daawo: Muxuu Faarax Macalin ka yiri xildhibaanada mucaaradka ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, ayaa si adag uga hadlay Xildhibaanada mucaaradka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Xildhibaanada Madasha Horusocod ay yihiin kuwa si dhow ula shaqeynaaya shisheeyaha waxa uuna tilmaamay inay fulinayaan danaha shisheeyaha ee Somalia.

Faarax ayaa tilmaamay in Somalia aysan u baahneyn in dib loogu celsho halkii ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xildhibaanada mucaaradka ay garab ka helayaan dowlado shisheeye haba ugu badnaaden reer galbeedka iyo carabta.

Faarax Macalin waxa uu sheegay in Xildhibaan waliba oo ka tirsan mucaaradka ku sugan Nairobi uu doonaayo in danihiisa gaarka ah uu ka dhex arko xukuumada cusub.

Waxa uu farta ku goday in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwii codka siiyay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in awoodooda ay ugu adeegan shisheeyaha.

Faarax waxa uu cadeeyay inay jiraan dowlado dhowr ah oo ka dhex macaasha dhibta Somalia, waxa uuna ku baaqay in Xildhibaanada ay dib u garwaaqsadaan in waxa ay xilka u hayaan uu yahay dalkooda iyo dadkooda oo kasoo kabanaaya dhibtii horay u gaartay.