Daawo: Mo Farah oo sii xamaasadeeyay hal-ku-dhiggii “Ar Farmaajo Ii geeya”

London(Caasimada Online) –  Tan iyo markii la doortay madaxweyne Mohamed Abdullaahi Farmaajo waxaa soo shaac baxay hal-ku-dhig laga abaabulay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe oo uu ku luqeyntiisa lahaa C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) kaas oo ugu dambeyn la kulmay madaxweynaha la doortay ee aan wali xilka lagu wareejin.

“Ar Farmaajo ii Geeya” wuxuu noqday halku-dhigg hirgalay kaas oo durba si aan baaxad laheyn ugu baahay baraha bulshada sidoo kalana noqday hadal heynta qof walba.

Si kastaba odoryahanka Asal Soomaaliga ah basle heysta dhalashada Britan Mo Farah oo ku sugan Dubai si uu isugu diyaariyo tartanka London ka dhici doona bisha August ee sanadkaan ayaa sii xamaasadiyay kadib markii uu ku luqeeyay “Ar Farmaajo ii geeya isagoo ku sugan xeradiisa tarbabarka.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MO FARAH:

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com