Daawo: Qeybtii labaad ee dadka lagu la’yahay nolosha iyo geerida ee qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah usoo idlaaday gurmadkii baadi-goobka ahaa ee maalmahaan ka socday dhismooyinkii ku burburay ismiidaamintii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan dadka laga soo saaray burburka dhismooyinka ayaa gaaraya Lixdan ruux, halka kuwa laga quustay ee lagu la’ yahay nolol iyo geeri ay dhanyihiin Sodon ruux oo qaarkood aan laga baafin goobaha ku shaqada leh baafinta.

Dadka la la’ yahay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro reer Gobol ah oo aan loo laheyn aqoon buuxda kuwaa oo aan laga heyn sawirro lagu baadi-goobi karo.

Ehelada qaar ayaa iminka u muuqda inay ka quusteen dadka ka maqan oo la rumeysan yahay inay ka agdhawaayen gaariga Qarxay, isla markaana la baxeen qalfoofta gaariga.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa qeybtii labaad ee dadka lagu la’yahay nolosha iyo geerida, waxaana xusid mudan in qeybta koowaad aan kusoo gudbinay sawirro ahaan warbixinadeenii hore.

HOOS KA DAAWO DADKA AAN LA HELIN BALSE LAGA QUUSTAY.

https://www.youtube.com/watch?v=o6rWNPT0WG8