Daawo sawirrada: Sida Hailemariam uu Imaaraadka uga dhaadhiciyay ololaha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi dalka Isutaga Imaaraadka, isagoo Madaxda dalkaasi kala hadlay caqabada ay ku yihiin ololaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Hailemariam oo dalka Imaaraadka u gaaray howlaha Xasan Sheekh dartii ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dalkaasi, waxa uuna wakhtiga ugu badan siiyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka Imaaradka ahna Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi.

Hailemariam waxa uu Imaaraadka ka dalbaday in culeyska Siyaasadeed laga dulqaado Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ahna Musharax u taagan doorashada 2016-ka.

Hailemariam, waxa uu sidoo kale, dhagaha Madaxda Imaaraadka ku dhibciyay inay mudan tahay in Imaaraadka uu taagero Madaxweynaha Somalia ee hadda haya xilka waxa uuna sabab uga dhigay in Madaxweyne cusub ay lamid tahay Somalia oo burbur martigalisa.

Imaaraadka ayaa waxa ay wataan ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ay taageerayaan doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale, Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan, ayaa soo dhaweeyay fekerka Ra’isul wasaaraha Ethiopia, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay ka fiirsan doonaan shaqsiyaadka ay ku garabsiinayaan Doorashada Somalia.

Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan, waxa uu sheegay in Imaaraadka ay sharaf u tahay inay qeyb ka noqoto Dowladaha Somalia u dhisaaya Dowlada.

Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan, waxa uu ballanqaaday inay ka fiirsan doonaan dalabka Ethiopia ee ku aadan taageerida Xasan Sheekh.

Ugu danbeyntii, Hailemariam ayaa Imaaraadka kala hadlay xiriirka labada dal waxa uuna kulankooda ahaa mid kusoo idlaaday Guul.

imaaraadka-iyo-ethiopia-1 imaaraadka-iyo-ethiopia-2