Daawo Sawiradda: Shariif Xasan oo madaxtooyo cusub oo cajiib ah dhistay

Baydhaba (Caasimada Online) – Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xarigga ka jaray Madaxtooyo cusub, oo Maamulka Koonfur Galbeed uu ka dhistay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Munaasabadan, ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, xubno ka socday Xukuumadda Somaliya iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa sheegay laga bilaabo maanta in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku hawlgeli doono Madaxtooyada cusub ee Maamulkiisu uu ka dhistay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha waxa uu muujiyay in xaruntan cusub ay ka ballaaran tahay, kana casrisan tahay xaruntii ay ku soo shaqaynayeen labadii sano ee la soo dhaafay.

Madaxtooyada cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeelanayo Magaalada Baydhabo, ayaa waxay ka kooban tahay 25 xafiis iyo howlal loogu talagalay in shirarka lagu qabto.

Xubnihii kale ee ka hadlay xafladan, ayaa bogaadiyay Madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed ka hirgelisay Magaalada Baydhabo.