Daawo sawirrada: Nolosha iyo tababarka ciidamada lagu tababarayo saldhiga Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Saldhiga Turkiga ee Magaalada Muqdisho booqday Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Saraakiil ka tirsan Taliska ciidamada Xoogga.

Taliyaha ayaa halkaa ku gacanqaaday Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa tababarka u socdo oo gaaraya ilaa 400.

Inta uu ku sugnaa Saldhiga ayaa waxa uu sidoo kale Taliyaha kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo.

Gorod, waxa uu sidoo kale kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaa kadib Gorod waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada ku baraarujiyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka.