Daawo Sawirrada: R/W Saacid oo la kulmay waftika socday QM

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dowrka ay dooneyso in Q/midoobay ay ka cayaarto geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhinacyada ay ka taageeri karto sida Garsoorka, Amniga iyo Dib u dhiska dalka.

Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen Warbaahinta ayay ku faah faahiyeen natiijada kulanka iyo waxyaalaha la isla gartay.

wafti (1)Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.

“Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Q/midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

wafti (2)Kaaliyaha Xoghayaha guud Mr. Jeffrey Feltman ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato R.wasaaraha Xukuumada Rasmiga ah

Mudane Saacid, isagoo tilmaamay in kulankani uu daba socdo kulan dhowaan dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Q.midoobay Mr. Ban Ki-moon.

wafti (3)“Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan” ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go’aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in go’aan ka gaarista Aayaha Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Q/midoobayna ay uga dambeyneyso go’aamadooda, isagoo dhanka kale xusay in ay taageero u hayaan Dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taabageliyo keeneysa Horumar weyn oo dhinac kastaba leh.

wafti (4)Kulankan R.wasaaraha iyo Kaaliyaha waxaa kale oo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C.kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Garsoorka Mudane C.llaahi Ebyan Nuur, iyo dhanka Q.midoobay oo uu ku wehliyay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Amb. Augostine Mahiga.

*—–DHAMAAD—–*