Daawo: Sida uu u dhacay Qaraxii maaanta & Khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari loo adeegsaday ayaa lagu weeraray Saldhiga Degmada Waaberi oo ku yaallo wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ciidamo farabadan oo ka tirsan Saldhiga Waabari, waxaana la sheegayaa in dhimashada ay iminka gaartay 12 ruux oo ay ku jiraan ciidamo dhowr ah.

Dadka dhaawacmay ayaa tirro ahaan la xaqiijiyay inay gaarayaan ilaa 16 ruux, oo ay ku jiraan ciidamo la socday Taliyaha Saldhiga oo xiligaa ku sugnaa afafka hore Saldhiga.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi iyo kuwa ku dhintay ayaa u badan dad shacab ah.

https://www.youtube.com/watch?v=8yKblBp8mX0