Daawo Umal: Maryan Qaasim haddii ay isku casishay inyar oo masaakiin la siinayo waxayba aheyd in la ceyriyo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Umal oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey inay aheyd in xilka laga qaado haddii ay Wasiirkii Gargaarka Maryan Qaasim isku casishay in yar oo masaakiin la siinayey oo aan iyada loo dhiibin.

Sheekh Umal oo ka jawaabayey Su’aal lasoo waydiiyey oo aheyd

” Wasiirada is casishay soo suuragal maahan inay wadaadada wadada u galeyn oo xilkii ka boobeyn”

Sheekh Umal ayaa sheegay inaysan isaga wax badan ka khuseyn haddii ay Wasiiradda isku casishay xil ay ka boobeyn Wadaadada iyo Guddiga ay lacagta ku wareejiyeen.

Wuxuu sheegay Sheekh Umal in iyaga hantidii loogu deeqay dadkii Musiibada ku dhacday ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya iyo guddigii arrintaas loo xil saaray.

Wuxuu sheegay haddii ay dadkii uu lacagta ku wareejiyey ay dhaceyn xilkii Wasiir Maryan Qaasim ay iyaga arrintaas ka jawaabi doonaan, balse wuxuu sheegay inuu isaga xaqiijiyey inay Guddigaas ahaayeen dadkii loo xil saaray aruurinta deeqaha loogu talagalay dadkii ay musiibada ku dhacday.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sheekh Umal oo arrintaas ka hadlayo: