Daawo Video: Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay wixii uu Hargeysa kusoo arkay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Dr. Cali Khaliif Galaydh, madaxwaynihii maamulka Khaatumo, Wuxuuna ka hadlay waxyaabaha uu Halkaasi ku arkay oo ay ugu dambaysay 1999-kii.

Cali Khaliif ayaa sheegay inay Hargeisa samaysay Horumar Balaadhan, Wuxuuna xusay in dhaqaalaha badan ee halkaasi yaala ay shacabku doorwayn ku leeyihiin, Sidoo kale wuxuu ka hadlay baahiyaha ka jira.

“Magaaladu aad ayay u kortay oo u dhisantay,   Baabuurta iyo Gaadiidka joogaa waa mid balaadhan, Waxaa muuqda Horumar dhaqaalle inuu jiro, waxaana filayaa inay shacabku dhisteen, Hadii aan Nabad iyo Xasilooni Jirin cid Hargeisa waxba ma gashateen,  Waxayse dadku dhib ku qabaan arimaha Biyaha iyo Wadooyinka” ayuu yidhi.