Daawo Video: Faarax C/qaadir oo ka yaabiyay xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kamid ah Siyaasiyiinta lagu tiriyo garabka Madaxweyne Xasan ayaa si kooban uga hadlay Taariikhdiisa xili uu ka hor hadlaayay Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa halkaasi ka sheegay in Hooyadii ay ku dhashay 7 bilood, isla markaana halka uu ku dhashay aysan aheyn Isbitaal.

Faarax C/qaadir waxa uu sheegay in dadka intiisa badan ay saadaalin jireen inaanu noolaan doonin muddo kabadan 7 maalmood, balse uu maanta gaaray heerkii ugu sareeyay.

Waxa uu tilmaamay in Hooyadii ay dadka ku oran jirtay ”Waxa uu wiilkeyga anfici doonaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Waxa uu intaa raaciyay in Hooyadii ay kula ballantay inuu qadariyo dadka si isaga loo qadariyo.

Faarax C/qaadir waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanuday in Xildhibaanada uu uga baahan yahay Codkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com