Daawo Video: Faysal Cali Waraabe “Guusha Muuse waa guushayda, Wadani waa Soomaaliwayn”

Hargeysa (Caasimada Onlinne) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay Guul-darada Xisbiga Wadani uu kala Kulmay doorashadii “Kulmiye iyo Ucid waa Isku mid, Wadani Wuxuu ahaa Soomaali-wayn, Guusha waanu la Leenahay Muuse Biixi Cabdi “ ayuu yidhi

Faysal Cali waraabe oo Guul-daro xoogan kala kulmay doorashadii Somaliland ayaa sheegay inuu Aqbalay Natiijada kasoo baxday Gudiga Doorashada. “Hadii aanu Horey u sheegtay inaanu Aqbalayno Natiijada, waanu ku Khasbanahay inaan Aqbalo Najiitada lagu sheegay inuu Muuse biixi Guulaystay”. Ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in la mideeyao Qabiilada isku Nacay Xiligii doorashada isagoo Xusay inay doorashadu ka dhacday Qaab Qabiilo ku salaysan. “Doorashadu waxay ahayd Qof iyo Codkiisa oo Diimuqraadi ah, Balse waxaa lagu Codeeyay Qabiil ahaan, Waxaana Hanbalyo u dirayaa Beeshayda oo Codkeeda isiisay”. Ayuu yidhi Faysal.

Wuxuu Muuse Biixi iyo ku xigeenka usoo jeediyey inay sii wadaan Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Wuxuuna uga digay inay keligood Talada isku Koobaan.

“Heshiiskii Khaatumo waa in la dhamaystiro, waa in la galo Heshiiskii iyo Wadahadalka Buuhoodle, waa in dadka la Mideeyo, waa inaysan Noqon dawlad ku kooban galbeedka Hargeisa sidii horey u dhacday, Hadii ay sidaas Noqoto Faraha ayaanu ka Qaadi doonaa “ Ayuu yidhi Faysal Waraabe.