Daawo: Hees kooxda Qeylodhaan ay u sameysay 3-da madax ee dalka

Kooxda QEYLODHAAN, ayaa soo saaray hees cusub oo waddani ah oo ay kula hadlayaan madaxda cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ee dhowaan la wareegay talada dalka.

Heesta oo hal ku dhigeedu yahay Mas’uulkii tala hayow oo sidoo kale ay kasoo dhex muuqdeen fanaaniin joogta Naiorbi, ayaa waxa ay si toos ah ula hadleysaa madaxweyne Xasan Sheikh, Ra’iisul Wasaare Saacid iyo guddoomiye Jawaari.

Waxaa erayada sameeyay Shucayb Cabdinuur, Laxankii Jooqle Shire iyo Musica-dii Cabdi Xakiin Farayare.

Halkan ka Daawo heesta.