Daawo Video: Maryam Qaasim oo shaaca ka qaaday sababtii ay isku casishay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta xilka iska casishay, waxayna goor dhow sheegtay sababta ay isku casishay.

Wasiir Maryan ayaa  xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay.

“Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha.

Kheyre ayaa inta badan guddiyo u magacaaba wasaaradaha isaga oo aan la tashay wasiirada, taasi oo wasiiro badan ka careysiisay.

Hoos ka daawo muuqaalka Maryam Qaasim

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com