Video: Sh Umal oo ka hadlay arrin dad badan ay ku kadsoomayaan maanta

Caalamka gaalada waxaa maanta oo ah 14-ka February lagu xusayaa maalinta Valentine oo  lagu sheego Maalinka Jaceylka, hase yeeshee ah maalinta xuska Saint Valentine oo ahaa wadaad gaaleed noolaa xilligii boqortooyada Roman-ka.

Waxaase nasiib darro ah in umad badan oo muslimiin ah ay sidoo kale xusaan maalinkan, ayada oo qaarkood aan ogeyn xaqiiqda maalinkan.

Haddaba Si wax badan umadda muslimka ah ay uga ogaadaan arrintan, waxaa wacdi ka jeediyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah mashaa’iqda ugu weyn ee Somalia.

Daawo Sheikh Umal iyo maalinka Valentine.