Daawo: Wasiirkii la dilay oo arrin qiiro leh ka sheekeenaya ka hor geeridiisa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho lagu dilay wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre Cabaas Siraaji, waxaana rasaas ku furay ilaalada Hanti Dhawraha qaranka kadib markii ay ka shakiyeen kuna amreyn inuu baabuurtooda ka sikado.

Haddaba Allaha u naxariisto wuxuu ahaa wasiir aqoon fiican leh sidoo kalana wuxuu ahaa wasiir aad u dhallinyar balse leh karti uu ku qabto xilkaas, waxaana u rajeeneynaa inuu Alle kitaabkiisa ka siiyo midigta.

Waxaan idiin soo gudbineynaa muuqaal ku saabsan  hadal uu wasiirka dhawaan ka jeediyey shirkii iskaa wax u qabso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, markaas uu wasiirka ka sheekeeyey halka uu ku dhashay, Nolosha uu kusoo koray, wadankiisa waxa uu qabtay iyo waxyaabo qiiro leh oo uu la ilmeenayo qofka dhageysto.

Wuxuu sheegay inuu ku dhashay Degmada Madow kuna soo barbaaray dalka Kenya markaas oo uu xaqooti ku ahaa xerada dhadhaab oon  ku taal Woqooyiga Kenya taasoo ah xerada xaqootiga ugu weyn adduunka.

Wuxuu tilmaamay inuu qaxooti ahaan ku tagay xeradaas oo xilligaas aan laga heleyn waxyaabaha asaasiga u ah nolosha sida: Raashin, biyo iyo waxbarasho.

Wuxuu ka sheekeyey inuu waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sare kusoo qaatay xerada dhadhaab weliba isagoo aan heysan qalin, fuunuusna wax lagu aqrisanayey.

Qoraal kuma soo koobi karno hadalka uu wasiirka halkaas ka jeediyey oo lagu tilmaamay inuu ahaa hadal aad uu qiiro badan, halkaan hoose ka daawo muuqaalkiisa:

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET