Daawo: Wiil 17 jir Soomaali ah oo soo saaray taleefon smart phone oo cajiib ah

17-sano jir Soomali Kanadiyan ah ayaa sameeyay taleefoon casri ah ka dib markii hooyadii ay u awoodi weyday in ay u iibiso taleefankii uu doonayay, waxaana dadaal dheer ka dib u suurtagashay in meel hoose uu ka bilaabo farsamaynta mobilkiisa.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Maxamed Cumar ayaa hormarinta taleefankiisa oo lagu magacaabo ‘Frank’ bilaabay isaga oo kaashanaya saaxibkiis Fahad Alhatab oo 25 sano jir ah, waxaana taleefankan cusub oo lagu iibinayo qiime dhan 180 dollar si weyn looga hadal hayaa suuq-yada caalamka gaar ahaan Afrika.

Taleefankan cusub ayaa leh kaamiro 16 Megapixel ah, shaashad 5.5 inch ah iyo 4GB oo ramka maskaxda ah, iyada oo taasi ay sii dheer-tahay adeega suulka oo qofka u suurtagalinaysa in cid kale aysan taleefankiisa adeegsan karin bilaaa amar.

“Waxa uu leeyahay adeeg kasta oo aad ka heli lahayd taleefanada caadiga ah, qiimahiisana aad uma sareeyo “ ayuu yiri Cumar oo la hadlay BBC-da, isla markaana sheegay in taleefankiisa uu noqon doono kii ugu casrinaa taarikhda cusub oo laga isticmaalo gudaha Canada mustaqbalka dhow.

Cumar xiligan la joogo ma gali karo heshiisyo ganacsi oo waa weyn sababo la xiriira da’diisa oo ah mid aad u yar, waxaana heshiisyada sharciga u saxiixi karta hooyadii si uu horumarin ugu sameeyo shirkad-diisa cusub.

“Waxaan eegi jiray waxyaabaha ay ka samaysan-yihiin taleefanada in badan,  daacad-diina taleefanadu kama samaysna waxyaabo ad adag “ ayuu  yiri Cumar oo sheegay in tan iyo yaraantiisa uu jeclaa tiknoolajiyad-da casriga ah.

Waxa uu sheegay in ka dib markii uu qiimayn ku sameeyay aaladaha uu taleefanka ka kooban-yahay  iyo qiimaha taleefanka laga siiyo suuqyada in taasi ay tahay mid xad ka bax ah,  isla markaana shirkadaha taleefanada iibiya ay qiimo laga bad-badiyay siiyaan taleefanada ay suuqyada keenaan.

“Tani waa wax caqli ka bax ah, waxaana go’aansaday in aan soo saaro taleefan casri ah oo jooga qiima ka hooseeya kuwa shirkadaha kale “ ayuu mar kale yiri Cumar oo tilmaamay in shirkadaha waa weyn ay macaamiishooda dibin-daabyaynayaan.

Ugu danbayn, waqooyiga Ameerica ayaa noqon doonto suuqa ugu weyn ee taleefanka casriga ah ee Frank, waxaan uu tartan la gali doono shirkadaha caanka ah ee dunida ka jira, iyada oo  sida Cumar uu sheegay ay howshan ku dhiira-galiyeen labadiisa waalid.

Isha: HOL