Dad hilib bini’aadam quudan jiray oo booliska South Africa qabteen

Johannsberg (Caasimada Online) –Arrin aad loola yaabay ayaa booliska dalka South Afrika ay ka war heleen kadib markii qof ka daalay cunista hilibka bini’aadamka uu ku wargeliyay booliska, taasoo keentay in booliska gacanta kusoo dhigaan ilaa afar qof oo hilib bini’aadam haysteen.

Maxkamadda ku taal South Afrika ayaa afartaan qof lasoo taagayaa si xukun loogu rido, waxaana dadkaani sheegeen in ay cuni jireen hilibka.

Dadka la qabtay ayaa axaa ka mid ah nin daawo dhaqameed sameeya oo lagu eedeeyay in macaamiishiisa uu siin jiray hilib dad, isagoo dadka u sheegi jiray in ay ku taajirayaan, guulna ay ku gaarayaan cunidda hilibka aadanaha.

Arrintan ayaa la ogaaday ka dib markii mid ka mid ah afarta qof uu tagay saldhig boolis, asigoo sita hilib dad.

Wuxuu ciidamada u sheegay in uu ka daalay cunidda hilibka aadanaha.

Markii su’aalo dheeraad ah la weydiiyay, wuxuu ninka ciidamada tusay lug iyo gacan oo uu sheegay inuu cunayay.

Booliska ayaa markaa ka dib ninka u raacay guri ku yaalla KwaZulu-Natal, halkaas oo maydad kale ay ka heleen.

Dad careysan ayaa dibadbaxyo dhigay iyagoo dalbaday in xukun lagu rido dadkaasi oo aan lasii deyn.

Dhacdadaan ayaa ah mid aad loola yaabay, waxaana la sheegay in hilibka dadka ay ahaayeen kuwo la dilay.

 

Caasimada Online
Xafiiska Johannsberg
Caasimada@live.com