Dadka Ceel Cirfiid oo u riyaaqay iskuul labo sano ka hor Ameeriko u dhisay: SAWIRRO

Murashaxa Madaxweynaha Soomaaliya, Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa kormeer ujeedadiisa ahaa ballaarin iyo dhiiri gelin ku tegay iskuul uu labo sano ka hor ka dhisay deegaanka Ceel Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah meel baadiye ah oo dadka ku noolaa weligood fursad u helin waxbarasho.

Iskuulkaan oo la furay 2014-kii ayaa waxaa loogu magac daray Yaasmiin {Dugsiga hoose dhexe ee Yaasmiin} oo ah gabar uu dhalay Amb. Maxamed Cali Ameeriko, oo iyadoo 18 bilood jir ah la dilay sanadkii 1992-kii, ninkii dilayna uu dhawaan murashax Ameeriko inta u yimid ka dalbaday inuu cafiyo.

Dugsiga hoose dhexe ee Yaasmiin ayaa waxaa dhigta 70% gabdho, halka 30% wiilal ka yihiin, waxaana xusid mudan in iskuulka uu yahay mid lacag la’aan ah, dhaqaalaha tasiilaadka iyo mushaarka Macallimiintana uu bixiyo Maxamed Cali Ameeriko.Maamulaha iskuulka Yaasmiin, Axmed Xasan Shakuur ayaa sheegay in ardayda guud ee wax ka barta iskuulka ay yihiin 153 arday, wuxuuna iskuulka uu ka kooban yahay seddax fasal, xafiis iyo suuli.

Murashax Ameeriko ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo ballaarin doono dhismaha iskuulka, wuxuuna intaa raaciyay in maanta uu ku faraxsan yahay inuu arko arday horay qalbiyada ka dhintay oo maanta faraxsan, una diyaarsan inay waxbarashadooda heer sare ka gaaraan.Deegaanka Ceel Cirfiid oo dad xoolo dhaqato iyo beeraley ka kooban ay ku nool yihiin, weligoodna caruurtooda helin waxbarasho, waxayna ugu mahad celiyeen Murashax Maxamed Cali Ameeriko oo dhisay maskaxda iyo garaadka caruurta hadda soo koreysa.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga baahnaa in adeegaan ay fuliso oo caruurta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku gaarsiiyaan waxbarasho lacag la’aan ah, hase ahaatee uu Maxamed Cali Ameeriko ka dhiidhiyay waxbarasho la’aanta caruurta Soomaaliyeed, isagoo dhabarka u xertay inuu dhiso iskuulkaan iyo kuwo la mid ah xiligii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo kadibba.Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu yaqaan inuu gargaaro dadka masaakiinta iyo dadka dhibaateysan, isagoo wax aan lasoo koobi Karin u qabtay qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xerooyinka Dhadhaab iyo Ifo ee dalka Kenya.