Dadka degan deegaanada ay maamulaan Shabaab oo laga mamnuucay Baydhaba (Sababta)

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in la mamnuucay soo galitaanka magaalada Baydhaba inta lagu guda jiro howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab.

Maamulka ayaa sheegay in dadka laga mamnuucay soo galitaanka magaalada Baydhabo ay yihiin kuwa kasoo socdaala ama degan deegaanada ay ka arimiyaan maleeshiyaadka Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in amarkaasi uu yahay mid si rasmi ah u dhaqan galaaya.

Taliyaha waxaa uu sheegay in Magaalada Baydhabo Saraakiisha ku sugan lagu Amray in Baydhabo ay ka celiyaan dadka ka imaanaya meelaha Al-Shabaab ay gacanta ku haayaan.

Waxa uu intaa raaciyay in la adkeeyay amniga magaalada Baydhabo, taana ay sabab u tahay in dadka degan deegaanada ay maamulaan Shabaab laga mamnuuco magaalada.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay yihiin kuwo taageersan Shabaab, sidoo kale kuwo ka tirsan iyo xaasaska Al-Shabaab.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili ciidamada ugu badan maamulka la geeyay deegaanka Abal, isla markaana ay jiraan cabsiyo la xiriira in Shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

SHARE