Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo ka socda beerta Jaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hada ka socda agagaarka Xarunta Jaamacadda Gaheyr ee ku taala Nawaaxiga Beerta jaadka ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa soo sheegayaa in dagaalka uu yahay mid culus oo saameeyay Suuqa Beerta ilaa Ex Control iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Gaadiidka Dagaalka.

Xafiiska Magaalada Muqdisho ee  Caasimadda ayaa ku soo dhacaya warar sheegaya in ay dad ku dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen.

Goobta lagu dagaalamay ayaa la sheegay in ay yaalaan Meydadka dad shacab ah iyo Ciidanka dagaalamay.

kala carar iyo Xaalad aan laga sheekeyn karin ayaa ka taagan Goobaha lagu dagaaamay iyadoo Magaalada oo dhan ay maanta qasan tahay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com