Dagaalo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa sheegaya in dagaalo shaley ka dhacay meel duleedka ka ah magaaladaas, ay ku dhinteen labo qof tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayso,markii ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay weerrar ku qaadeen goob ay joogeen kooxo hubeysan.

Taliyaha ciidanka booliska maamulka Galmudug Korneel Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay iyo ku dhaawacmay dagaalkii shaley ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee weerrarka lagu qaaday.

Wuxuu kaloo sheegay in la qabtay tira kooxdii burcadka ahayd, ma sheegin wax khasaaro ah oo ciidankooda ka soo gaaray dagaaalkii shaley ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Kooxda la weerraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyo hubeysan oo isbaarooyin dhibtay goobta dagaalka uu ka dhacay, halkaasoo ay lacago baad ah uga qaadi jireen gaadidka dad weynaha.

Xaalladda goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in ay deggan tahay, waxana ku sugan ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo