Dal weyn oo ku Yurub ka tirsan oo aqoonsaday baasaboorka Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – War maanta ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka diblomaasiyiinta kadib kulan ay wada yeessheen saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in dowladda Norway ay Aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalalka Qaaradda Yurub kala hadlayay sidii ay u aqoonsan lahaayeen baasaboorka Soomaaliga.

Maxammed Aadan koofi ayaa wado qorshe uu ku soo ceinaayo Baasaboorka Soomaaliya iyadoo ay horay u aqoonsatay Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com